Home Wararka Maanta Qaranka Sweden oo u soo gudbay Wareega Xiga ee Koobka Aduunka..

Qaranka Sweden oo u soo gudbay Wareega Xiga ee Koobka Aduunka..

0

Ciyaarahan oo ka tirsanaa guruub F kuwaas oo wada qabsoomay hal saacad ayaa waxaa kasoo baxay natiijooyin aan ahaynn kuwii lasii saadaalinayay.

Ciyaartii u dhaxaysay wadamada Mexico iyo Sweden ayaa waxaa ay kudhamaatay 3-0 oo lagu xasuuqay Mexico.

Ciyaarta oo qaybteedii hore kusoo gabagaboowday 0-0 goolal la’aan ah.

Balse markii la isku soo laabtay ayay xidigaha iswiidhan ay sidii daadkii ku harqiyeen goolal waxaana daqiiqaddii 50-aad goolka u daahfuray xidigooda L.Augustinsson, waxaana u raaciyay a.Granqvist daqiiqaddii 62-aad goolkaas oo ahaa mid rigoore ah, waxana bandhigga goolasha iswiidhan u daahxiray xidiga E.alvarez oo gool iska dhaliyay daqiiqaddii 74-aad.

Ciyaarta ayaana waqtigii loogu talagaly kusoo gabagaboowday 3-0 oo ay guusha kurraacday xidigaha Sweden.

Ciyaartii kale ee katirsanayd guruubkan F ayaa waxa ay dhexmartay Germany iyo South Korea aya kusoo idlaatay natiijo aheed mid ay kusoo gabagabowday noloshii koobka adduunka ee Germany.

Xidigaha South Korea ayaa waxa ay heleen goolkooda koobaad daqiiqaddii 90-aad ee ciyaarta waxa ayna ka heleen Y.Kim halka isla daqiiqaddi 90-aad soo gabagabeeyay noloshii garmalka ee koobka dunida xidiga Tottenham ee Son.

Taas oo kadhigan in ay xulkii ku guulaystay koobkii dunida ee 2014 waxa ayna kaxirxiran doonan boorsooyinkooda ruushka waxaana wareegga xiga u gudbay xulalka iswiidhan iyo maksiko.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here