Home Wararka Maanta Midowga Yurub oo ku Heshiin Waayay Qorshaha Qaabilaada Qaxootiga..

Midowga Yurub oo ku Heshiin Waayay Qorshaha Qaabilaada Qaxootiga..

0

Hogaamiyayaasha 16 dal oo kamid ah Midowga Yurub oo ku kulmay magaalada Brussels ayaa ku heshiin waayey xal u helida Qaabilaada Qaxootiga badan ee qaarada Yurub soogalaya.

Kulankan deg degta ah ee shalay ka dhacay xarunta EU-da ayaa ahaa mid lagu doonayey in lagu lafo guro xal u helida xiisada ka dhex taagan dalalka xubnaha ka ah Midowga Yurub oo isku khilaafsan sida ay u qeybsan lahaayeen qaxootiga dalalkooda kusoo qul qulaya iyo waliba adkeynta xaduudaha Midowga Yurub.

Shirkan ay joogeen hogaamiyayaasha 16 dowladood ayaa horudhac u ah shirweyne ay yeelan doonaan 28-ka wadan ee xubnaha ka ah Midowga Yurub oo lagu wado inuu dhaco dhamaadka todobaadkan.

Qaar kamid ah dalalka ay gacanta ku dhigeen xisbiyada Xagjirka ah sida Talyaaniga ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay dar dar geliyey diidmada in wadankooda qaabilo qaxootiga iyo tahriibayaasha bada laga soo badaadiyo, arrintaasi oo xiisad ka dhex abuurtay dalalka Midowga Yurub oo markale ku murransan cida ay tahay inay dalkeeda ku qaabisho qaxootiga soo gala xaduuda Midowga Yurub.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here