Home News in English Barlamaanka Sweden oo ansixiyay sharciga cusub ee Dhalinyarada lagu siinayo Sharciga..

Barlamaanka Sweden oo ansixiyay sharciga cusub ee Dhalinyarada lagu siinayo Sharciga..

0

ugu dabneyn Barlamaanka Dalka Sweden ayaa la horgeeyay sharci cusub kaasi oo Dowlada Sweden dhawaan shaacisay.

Sharciga ayaa dhigaya in Fursad la siinayo dhalinyaro badan oo dalka iska dhiibay waqti hore kuwaasi oo qaarkood qaan gaaray iyagoo sugaya Sharciga.

Sharciga oo la hordhigay Barlamaanka ayaa loogu Codeeyay ( Haa ) taasi oo ka dhigan Fursad kale oo la siinayo dhalaanka kaligood socodka.

Sida Dowlada ay shaacisay bilowga sanadkan Sharciga ayaa loogu tala galay ku dhawaad 9,000 kun oo dhalinyaro ah kuwaasi oo Sweden soo gaaray sanadkii 2015.

Dhalinyarada ayaa badankooda buuxiyay da.da 18 sano jirka iyagoo sugaya jawaabaha kiiskooda hase yeeshee waxay heestaan fursad kale oo sharciga lagu siinayo.

Qofka ka qalan jabiya Dugsiga sare ayaa si toos ah u helidoona sharciga dalka isagoo helidoona fursad uu dalka ku joogidoono.

Xisbiyada kala ah Xisbiga Dhexe iyo midka Bidix ayaa u codeeyay haa halka Xisbiyada kala ah moderater,
sverigedemokrater,liberaler iyo kristdemokrater ay u codeeyeen Maya.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here