Home Wararka Maanta Sawiro Somali Laga Tarxiilay Dalka Mareykanka oo gaaray Caasimada Muqdisho..

Sawiro Somali Laga Tarxiilay Dalka Mareykanka oo gaaray Caasimada Muqdisho..

0

Waxaa maanta garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho laga soo dejiyay Muwaadiniin Soomaaliyeed oo laga soo tarxiilay dalka Mareykanka, waxaana garoonka kusoo dhaweeyay Masuuliyiin katirsan dowlada.

Soomaalida laga soo dejiyay garoonka Aadan Cadde ayaa tiradooda gaareysay 83-qof, waxaana dadkan afar kamid ah ahaayeen dumarka halka inta kalana ay ahaayeen rag u badnaa dhalinyaro.

Sida aan Wararka ku heleyno Soomaalidan laga soo tarxiilay dalka Mareykanka ayaa isugu jiray kuwa dalkaasi sharci daro ku joogay iyo sidoo kale kuwa iyana dambiyo kala duwan ka galay dalka Mareykanka.

Dalka Mareykanka ayaa sanadihii ugu dambeeyay laga soo tarxiilay Soomaali badan oo dalkaasi ku noolaa, waxaa sidoo kale wali xabsiyada dalka Mareykanka ku jira Soomaali badan oo iyana laga yaabo in Soomaaliya loo soo tarxiilo.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here