Home Wararka Denmark Barlamaanka Denmarka oo Dowlada ka dalbaday cadeynta Heshiis lala galay Somaliya..

Barlamaanka Denmarka oo Dowlada ka dalbaday cadeynta Heshiis lala galay Somaliya..

0

Qaar ka mid ah xildhibaanada dalka Denmark ayaa ugu baaqay dowladda dalkaasi in ay soo cadeyso heshiis lagu celinayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan gudaha Denmark, kaas oo la sheegay in uu ahaa mid qarsoodi  ah oo dhexmaray saraakiil ka kala tirsan labada dowladood.

Heshiiskani ayaa la sheegay in uu dhigayo in Soomaaliya dib loogu celiyo illaa 12 qof  sanad kiiba, sida uu sheegay Television-ka 2 ee laga leeyahay dalkaasi .

Hooyo Seynab Imaam Shiiqow ayaa sheegtay in wiil ay dhahay loo tarxiilay Soomaaliya, kadib markii lagu eedeeyay in uu galay dambi tuugonimo ah, waxaana ay tilmaamtay in bishii January ee sanadkan lagu waayay dambigaasi, kadib markii dib loogu celiyay dalka Denmarka , islamrakaana haatan uu markale sugayo in la tarxiilo.

Si kastaba ha’ahaatee xubno ka tirsan xildhibaananada baarlamaanka Denmark ayaa ka dalbaday wasaaradda socdaalka iyo isdhexgalka dalkaasi in ay sharaxaad dheeri ah ka bixiso heshiiskani dhexmaray dowladaha Soomaaliya iyo Denmark.

Hay’adda jinsiyadaha iyo socdalka ee Soomaaliya ayaa dhowr jeer lagu eedeeyay in si aan shariciga waafaqsaneyn ay ku soo celisay qaar ka mid ah muwaadiniinta Soomaaliyeed  ee nool dalalka Yurub.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here