Home News in English Akhriso Shan Sharuud ee lagaaga baahanyahay si aad u xareyso Codsiga Sharciga...

Akhriso Shan Sharuud ee lagaaga baahanyahay si aad u xareyso Codsiga Sharciga la siinayo dhalinyarada..

7

Somaliska Stockholm – Barlamaanka Dalka Sweden ayaa dhawaan u codeeyay sharci cusub kaasi oo loogu tala galay in sharciga lagu siinayo dhalaan badan oo iswiidhan iska dhiigay kuwaasi oo la siiyay diidmo.

Dowlada ayaa soo jeedisay hindise dhigaya in 9 kun oo dhalinyaro ah la siiyo sharciga isla markana loo ogolaado fursad ay dalka ku joogaan.

Laanta Socdaalka ee Migrationsverket oo soo dhaweesay go.anka barlamaanka ayaa soo gudbisay sharuudaha qofka doonaya in uu hareesto Codsiga Sharciga Cusub iyo waqtiga uu bilaabanayo.

Bisha Soo socota ee July kowdeeda ayaa ugu horeesa xiliga ugu horeesa ee la xareesanayo sharciga Cusub codsigiisa.

kuwa dhawaad 5 Sharuud ayaa ku xiran si aad u xareesato Codsiga warbaahinta Somaliska ayaa heshay.

1 Codsiga u horeeya ee lagu helayo sharciga daganaanshaha waa in uu qofka laanta socdaalka iska dhiigay November 24, 2015 ama wixii ka horeeyay taasi oo ka dhigan hadaa ka danbeesay kuma quseeyo.

2 Go.anka ceerin waa in dhacay marka qofka uu jiray 18 sano jira ama ka weyn.

3  Go.anka ceerinta waa in uu dhacay 15 bilood ama kadib xiliga uu qofka uu isdiiwaangaliyay lakin ma jiro wax ka danbeeyo 20 July 2016.

4 Qofka waa in uu Sweden ku suganyahay marka uu sameenayo Codsigan Hadii uusan joogan ma xareen karo.

5 Codsiga waa in uu ahaado Waxbarashada oo kaliya ama ula jeedo waxbarasho ee dugsi sare waxana barnaamijyada waxbarashada ku jiri kara nuuc walbo oo sida Barnaamijyo hordhac ah, Barmaajijyada Qaranka, komvux, Waxbarashada Qaaska special education, folk high school iyo waliba Barnaamijyada toobarada Farsamada ee vocational training program.

Guud ahaan Kiisaskan oo dhan waxaa qofka loo balanqaadayaa Sharciga Deganaanshaha lakin qofka waxaa laga hubindoonaa in uu geestay ama ku lugleeyahay falal danbi ah kahor inta uu san helin sharciga.

Fadlan Hoos nagu waydii Su.aalaha.

Somaliska Stockholm

AD

7 COMMENTS

  1. Asc eid Mubarak
    Waxan imid Sweden ka hor 2015kii waxan ku imid da yar markan diidmada helay kadib waan waynaday lkn diidmada sadexad waxan helay anigoo 18 ah waxaa layga saaray meeshii aan degnaa lacagtiina Wasa layga goostay ka bacdi iskuulkii wan wadi kari waayay wana ka baxay hadana iskuul ma dhigto marka ma codsan karaa sharcigan mise waa qofkii iskuul dhigta bes fadlan iiga soo jawaaba

  2. Asc eid Mubarak
    Waxan imid Sweden ka hor 2015kii waxan ku imid da yar markan diidmada helay kadib waan waynaday lkn diidmada sadexad waxan helay anigoo 18 ah waxaa layga saaray meeshii aan degnaa lacagtiina Wasa layga goostay ka bacdi iskuulkii wan wadi kari waayay wana ka baxay hadana iskuul ma dhigto marka ma codsan karaa sharcigan mise waa qofkii iskuul dhigta bes

  3. Walaal waxaan idiin waydiiya kuwa haysta hal diidmo ee go.aankoodu Maxkamad Ku jiro wali lkn dugsiga sare dhigta miyeey xaraysanayaan mise maxkamadda ayeey sugayaan?
    Iiga soo jawaaba walaalayaal mahadsanidin

  4. Asc wall waxa kaso tagay swedan sanadkii 2017 hada waxa joga italy swedan waxa iska dhiibay 2015/3/5 waxee diidmoyinkega ii dhamaaden 2016/10/14 hada kula hadlaay ma haayo wax sharci ah markii an ka dhiibnaay waxa da’deda aheed da’weyn intii an ka dhiibnay ma helin waxbaro schol waayo da’weyn ayaa ahaay
    Wax dambi ah kama galin burisne woo igu dhacay
    Hadii aan so laabto oo an codsado sharciga suurto gal ma tahay jwb iso sii

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here