Home Wararka Maanta Faafaahin Shan Qof oo lagu dhaawacay Xaafada Tensta iyo Sida uu u...

Faafaahin Shan Qof oo lagu dhaawacay Xaafada Tensta iyo Sida uu u dhacay weerarka..

0

Abaaro 00.39 am ee Xalay waxaa weerar toogasho ah uu ka dhacay xaafada Tensta ee ku taalla waqooyiga galbeed ee Caasimada Stockholm.

Weerarka oo ahaa toogasho ayaa lagu dhaawacay ku dhawaad shan qof kuwaasi oo rasaas lagu furay waxana marka hore la maqlay rasaas xoogan oo dhacday labo mar.

Afar kamid ah shanta qof oo goobta loogu tagay ayaa loo qaaday isbitaalka halka qofka kale ay qaadeen dadka deegaanka kaasi oo isbitaalka la dhigay.

dadka la toogtay oo somali u badan ayaa dhamaantood waxay xabada uga dhacday qeybta danbe ee jirka gaar ahaan lugaha taasi oo keentay in dhaawaca uu bato.

Halkee ayuu Falka ka dhacay

falka ayaa ka dhacay Xaafada Tensta gaar ahaan Tensta allé iyo Nydalsparken, halkaasi oo dhaawacyada laga qaaday badankooda lamana oga waxa keenay in weerarkaasi uu dhaco.

Afayeen u hadlay booliska Stockholm oo lagu magacaabo Åsa Wallentin. ayaa sheegay sidan ” waxaan qaadnay dhaawac kala duwan waxana sidoo kale jira dhawac kale oo horay loo qaaday lakin tirada dhabta ma ogin.

Qof miyaa loo xiray Weerarka

qofna looma xiran weerarka dhacay ilaa iyo hada hase yeeshee waxaa socda baaritaan iyadoo ilaa saaka uu jiray diyaarado dul wareegayay goobta uu falka ka dhacay.

dalka Sweden gaar ahaan goobaha ay daganyihiin ajaaninta waxaa ku badan weerarada ay isku geestaan kooxaha gangiska kuwaasi oo weeraro dhexdooda isku geesta.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here