Home Wararka Maanta Dowlada Austria oo Sharciga kala Noqoneyso Qofka Dalkiisa Dalxiis ama Qaraabo Salaan...

Dowlada Austria oo Sharciga kala Noqoneyso Qofka Dalkiisa Dalxiis ama Qaraabo Salaan u taga..

0

Wasiirka arrimaha gudaha ee waddanka Austria ayaa waxa uu sheegay in qofki sharciga qaxoontimada ee waddanka heysta ee dib ugu laabtay dalkii uu asal ahaan ka yimid oo dalxiis iyo tamashleyn ama qaraabo salaan u taga in ay sharciga kala laabanayaan.

wuxuu intaas ku daray wasiirku in dadkaas markii hore ay sheegteen in wadanki ay ka yimaadeen ee noloshoodii helis ku jirtay oo ay kala soo baxsadeen wuxuuna yidhi mar hadiiba ay ku laaban karaan wadankoodii halistii ay sheegteen meesha waa ka baxday,

wasiirka ayaa isaga waxa uu caddeeyay in sharciga kala laabanayaan qofka kasta ay ku cadaato in uu wadankiisa dib ugu laabtay isaga oo sheegay in ay u fududahay in cadeyntisa heleen iyaga oo ka heleya macluumaadka dulimaadkiisa ee diyaaradihi uu raacay  iyo hadii xataa uu meelo kale oo aan waddankaan ahayn uu ka dhoofay qofkaas in ay si
fudud usoo heli karaan.

Somaliska Austria

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here