Home Wararka Maanta Xisbiga Moderaterna Caruurta Dalka ku Cusub oo Qasab ku dhiganaya iskuulada Xanaanada...

Xisbiga Moderaterna Caruurta Dalka ku Cusub oo Qasab ku dhiganaya iskuulada Xanaanada (förskola)

0

Sida uu sheegay Xisbiga Moderaterna Caruurta ku cusub Dalka Sweden ayaa qasab ku dhigandoono iskuulada Caruurta ee Xanaanada kuwaasi oo ay dhigtaan caruuraha Dalka ku dhasha.

Hogaamiyaha Xisbiga Ulf Kristersson oo khudbad ka jeediyay shir uu lahaa xisbigiisa isla markana lagu qabtay Götenborg ayaa sheegay in Xisbigiisa uu doonaya in Caruurta ka gaareysa 3 ilaa 5 sano ay dhigtaan iskuulada förskola.

Arintaasi ayuu ku sheegay in caruurta ay fursad u siineysa barashada Luuqada Swedishka iyo sidoo kale is dhexgalka bulshada si fudud.

Qorshaha Xisbiga uu soo jeediyay isla markana uu doonaya waxaa kamid ah in Caruurta ay isbuucii 15 Saacadood ay aadaan iskuulada Xanaanada iyadoo waajib laga dhigayo si mustaqbalkooda sweden uu u noqdo mid feecan.

Xisbiga Liberalerna ayaa isbuucyo kahor soo jeediyay qorsho lamid ah midkaan oo kale kaasi oo dhigaya in caruurta ajaanibta ee dalka ku cusub si waajib ah ku dhigtaan goobaha xanaanada.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here