Home Wararka Maanta Sweden Dadka gawaarida sida sharci darada ku bara Dadka kale oo xabsi...

Sweden Dadka gawaarida sida sharci darada ku bara Dadka kale oo xabsi la dhigayo..

0

Booliska sweden ayaa markii ugu horeysay qabtay qof mudo 8 sano ahaa macalin bare gawaarida daka doonaya in ay bartaan gawaarida.

ninkaan oo 50 sano jir ah ayaa ahaa macalin iskuul isagoo dowlada ka diiwan gashaneen isla markana wax canshuur ah bixin jirin.

Maxkamad ku taalla Gobolka Värmland ayaa ku xukuntay mudo hal sano iyo lix bilood kadib markii lagu helay in uu qaab qarsoodi ah dadka u bari jiray gawaarida.

Waa markii ugu horeysay ee baaritaan lagu sameenayo qofka sida sharci darada gawaarida u bara dadka taasi oo lagu saleeyay dhanka dhaqaalaha.

xeer ilaalinta sweden ayaa eegtay dhoor iskuul kuwaasi oo ku yaalla dhanka galbeed ee stockholm.

Sweden ayaa kamid ah wadamada ay adag tahay in aad hesho ama aad qaadato kaarka lagu wado gawaarida ee körkort.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here