Home Wararka Maanta Sawiro Dalka Mareykanka Somali Gangis ah oo Rasaas isku Waydaarsaday Goob Xaflad...

Sawiro Dalka Mareykanka Somali Gangis ah oo Rasaas isku Waydaarsaday Goob Xaflad ka socoto..

0

Dhalinyaro Soomaali ah oo ka tirsan kooxaha Gangs-ka loo yaqaan ayaa la sheegay inay isku rasaaseeyeen Xaflad Aroos oo ka dhaceysay magaalada Concord Gobalka New Hampshire ee dalka Maraykanka.

Booliska ayaa sheegay in afar burcad Soomaali ah oo ka kala yimid goboladda Ohio, Tennessee iyo  Pennsylvania  ay weerar ku qaadeen Xaflad aroos ay ku sugnaayeen dad ka badan 300 oo oo Soomaali ah.

Kooxaha dagaalamay oo Boolisku sheegeen iney ka soo kala jeedaan Labo Beelood oo Soomaali ah ayaa ugu yaraan labo ka mid ah waxay wateen qoryaha darandooriga u dhaca.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay inay kooxahaasi isku weydaarsadeen arooska rasaas, iyadoo Booliska halkaasi ka heleen haraaga fooqa rasaasta.

Booliska ayaa soo xiray afar ka mid ah dhalinyaradaas kuwaasoo magacyadooda lagu kala sheegay, Saalim Xuseen oo 22-jir ah, Jacfar Khaalid Isaaq oo 19-jir ah, Cabdi Cusmaan Maxamed oo 18-jir ah iyo Cali Daahir Xuseen oo 20-jir ah.

Raggan oo la soo taagay Maxkamad ayaa waxaa labo ka mid ah lagu sii daayey damiin lacageed oo min 10-kun oo Dollar, halka 2-da kalena lagu sii daayey damiin lacageed oo min 750-Dollar ah.

Lama sheegin wax khasaare nafeed ah oo rasaasta la isweydaarsaday ka soo gaartay dadkii arooska ku sugnaa inkastoo kala carar iyo khal khal badan uu halkaas ka dhacay.

Qaar ka mid ah dhalinyarada Soomaalida ah ee u ku dhashay qurbaha gaar ahaan Yurub iyo Maraykanka ayaa ku biiray kooxaha gangska loo yaqaano ee ku can baxay baxay dembiyada sida isticmaalka iyo ka ganacsiga daroogada iyo dilka.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here