Home News in English Raisal Wasaaraha Sweden oo difaacay go.anka Xisbigiisa ee Sharciyada Qaxootiga lagu adkeenayo..

Raisal Wasaaraha Sweden oo difaacay go.anka Xisbigiisa ee Sharciyada Qaxootiga lagu adkeenayo..

0

iyadoo xisbiga socialdemokraterna uu dhawaan shaaciyay in uu adkeenayo arimaha soo galootiga ee dhanka qaxootiga ayaa arintaasi waxaa markale la waydiiyay Raisal wasaaraha sweden Stefan Löfven.

Stefan löven oo u waramay wakaalada wararka ee raadiyaha Sweden Ekot ayaa waxa uu sheegay in Sweden aysan qaadan karin wax ka badan qoondada loogu tala galay marka la eego midowga africa.

Raisal wasaaraha ayaa dhanka kale sheegay in Xisbigiisa uu ku mideysan yahay arinta lagu adkeenayo qaxootiga taasi oo uu ku sheegay siyaasada xisbigiisa ee shirka dhawaan,

Hadalka Raisal wasaaraha ayaa imaanaya iyadoo dhaleeceen badan uu kala kulmay sharciyada cusub ee soo galootiga kaasi oo aad u adag.

Halkan Hoose markale ka Akhriso Qodobada Xisbiga ee Dooda dhaliyay.

Qodobada uu soo bandhigay Xisbiga Waxaa kamid ah.

1 in lasii wado Sharciga Xuduudaha.

Sanadkii 2015 ayay aheyd markii dalka sweden uu barlamaanka hordhigay sharci adkeenaya xaduudaha kaasi oo sharciga leesku waydiinayo marka aad dalka soo galeyso xisbiga ayaana doonaya in sharciga sii socdo inta wadada midowga yurub ay keenayaan qorsho cusub oo dhanka qaxootiga ah.

2 sugitaanka 8 sano qofka diidmo helo.

Sharcigan ayaana ah midka ugu hadal heynta badan dhanka arimaha qaxootiga tusaale ahaan qofka diidmo helo maanta waxaa loo ogolyahay in mudo 4 sano ah kadib uu dib u bilaabo karo kiiskiisa ama uu iska dhiibo karo laanta socdaalka ee migrationsverket lakin xisbiga ayaa soo bandhigay in 8 sano uu ka dhigayo hadii uu qofka helo diidmo in markale uu isdhiibo.

3 celinta dadka diidmada heesta.

Stefan Löften ayaa dhanka kale waxa uu sheegay in lacelinayo qofka heesta diidmada madama dadka diidmada heesta qaarkood ay wadanka ku suganyihiin mudo dheer waxa uu sheegay in xisbigiisa diirada uu saarayo sidii dadkaasi loo celin lahaa.

4 in kaalmada laga jarto qofka heesta diidmada.

inkastoo qofka diidmada heesta laga jaro lacagta kaalmada hadana hadalka xisbiga ayaa lagu sheegay in kaalmada laga jaro qofka diidmada la siiyo taasi ayaana lamacna noqon karto in durba laga jaro lacagta kamuunka uu ka helo iyo in qofkaasi uusan ka shaqeen karin dalka hadii uu heesto diidmo madama dadka qaarkood ay shaqeeyaan iyagoo sharci heysan sida qofka keensada cadeymo.

5 adkeyn dheeraad ah.

in la adkeeyo dadka qaxootiga tusaale ahaan in ciidanka loo ogolaado baaritaanka moobilada qofka shaqsiga ah taasi oo faafaahin dheeraad ah laga bixin.

6 qofka oo xabsi lagu hayo inta aan lacelin.

dad badan ayaa ku xukuman in dalkooda lagu celiyo xisbiga ayaa soo jeediyay in qofka lagu xukumay tarxiil isla markana laga gaaray go.ankaasi lagu hayo xabsi inta dib loogu tarxiilayo dalkaasi.

sharciyadan uu soo bandhigay xisbiga ayaa dhaqan galaya marka doorashada sanadkan ay dhacdo waana sharciyadii ugu adkaa xisbigan ee dhanka soo galootiga taasi oo loo arko in uu ku doonayo helista doorashada dalka oo dhaceysa sanadkan dhamaadkiisa gaar ahaan bisha september

Xisbiyo badan ayaa soo dhaweeyay go.anka iyo qodobada xisbigan uu soo jeediyay sida xisbiga Moderaterna oo sheegay in sharuud la.an uu hada miiska wada hadalka uu la fadhiisanayo dhigooda.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here