Home Wararka Maanta Qarax ka dhacay Dalka Canada oo lagu weeraray Goob Maqaaxi ah oo...

Qarax ka dhacay Dalka Canada oo lagu weeraray Goob Maqaaxi ah oo ku sugnaayeen..

0

Booliiska dalka Canada ayaa sheegay in laba nin ay soo galeen maqaayad ku taalla gobolka Ontario kadibna ay aalad ku qarxiyeeen.

Saraakiisha ayaa sheegay in saddex qof ay si darran ugu dhaawacmeen qaraxa oo habeenkii khamiista ka dhacay maqaayaddaBombay Bhel ee magaalada Mississauga,ee gobolka Ontario.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in 12 qof oo kale uu dhaawac fudud kasoo gaaray qaraxa.

Dadka lagu tuhmayo qaraxan ayaan la qabin. Sidoo kale ma jirto cid illaa iyo hadda sheegatay mas’uuliyadda qaraxa.

Booliiska ayaa dadweynaha ka codsaday inay gacan ka gaystaan soo qabashada tuhmanayaasha, waxayna sii daayeen muuqaallada raggan oo galaya maqaayadda, hase yeeshee wejiyada soo dabooshay.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here