Home Wararka Maanta Norway Wiilasha Somalida ee isku Toogtay Xaafada Holmlia oo Quraan wada dhigan...

Norway Wiilasha Somalida ee isku Toogtay Xaafada Holmlia oo Quraan wada dhigan jiray..

0

Waxay aheyd dhacdo dad badan oo somali ah ka yaabisay kadib markii dalka norway gaar ahaan xaafada Holmlia isku toogteen wiilal somali ah.

Weerarkaasi ayaa lagu dhaawacay wiil somalia ah kaasi laga toogtay lugta waxana dhacdadaasi ka hadlay warbaahinta dalka.

Afar isbuuc kadib Booliska norway ayaa sheegay in labada wiil ee toogashada isku geestay ay dugsi quraan ku wada dhigan jireen somaliya halkaasi oo waalidkooda geeyeen.

18 sano jirka laga toogtay lugta iyo sidoo kale 21 sano jir ka danbeeyay weerarka oo ahaa mid isku day dil ayaa labadooda dugsi quraan ka dhigan jiray somaliya.

Xigasho Sawirka NKR

Janne Stømner oo ka tirsan booliska ayaa NKR u sheegay in labada wiil ay isku dugsi quraan ahaayeen isla markana dhibaatada halkaasi kasoo bilaabatay.

Booliska ayaa aaminsan in sababta ugu weyn ee caruurta u sameeyaan danbiyada ay tahay dirista loo diro dalkooda ee dhanka quran.

ku dhawaad 62 caruur ah ayaa loo diray dugsi quraan kuwaasi oo qaarkood la waydiiyay waxyaabaha ay kasoo kulmeen.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here