Home News in English Maxaa ku soo kordhay Qorshaha Sharciga lagu siinayo Caruurta kaligood Dalka iska...

Maxaa ku soo kordhay Qorshaha Sharciga lagu siinayo Caruurta kaligood Dalka iska dhiibay..

0

inkastoo dowlada Sweden gaar ahaan xisbiga talada dalka hogaaminaya uu sheegay in uu qaxootiga adkeenayo hadii uu doorashada ku guuleesto markale ayaa dhanka kale waxaa socda qorsho sharci lagu siinayo 9 kun oo dhalinyaro kaligood socod ah kuwaasi oo dalka iskaga dhiibay qaab magangalyodoon ah.

Laanta socdaalka Sweden ee Migrationsverket oo warbixin ay soo saartay kaga hadashey xaalada dhanka qaxootiga dalka gaar ahaan halka uu marayo arimaha qaxootiga ayaa soo hadal qaaday arimaha la xiriira dhalaanka sharciyada lasiinayo kuwaasi oo dalka iska dhiigay.

Migrationsverket ayaa sheegay in Qorsha dowlada ee ku aadan Caruurta kaligood socodka uu wali socdo isla markana ay diyaar u yihiin dhankooda.

Waxay intaasi ku dartay in hada ay hartay oo kaliya in sharciga la mariyo barlamaanka si uu u ogolaado oo kaliya.

Bisha June ee nagu soo wajahan ayaa ah waqtiga loogu tala galay in barlamaanka la mariyo sharciga si uu u dhaqangalo waxana naga xigta mudo 20 cisho oo kaliya.

Sharciga ayaa la xiriira in qofka caruurta isku dhiibay uu heerka waxbarashada ka gaaro dugsiga sare si uu sharciga dalka u helo lakin hadii uusan dugsiga sare gaarin ayaa arintiisa waxay noqon karta mid adag waxaa kaloo u jira in sharuudaha qaarkood laga qaafiifiyo.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here