Home Wararka Maanta Dowlada Mareykanka oo baareysa Kiisaska keenay Celinta Qaxooti Somali ah oo la...

Dowlada Mareykanka oo baareysa Kiisaska keenay Celinta Qaxooti Somali ah oo la Masaafurin lahaa..

0

Hay’adda Socdaalka iyo Canshuuraha Maraykanka ee ICE ayaa sheegtay inay Saraakiisha Federalka bilaabeen Baaritaanka Dembiyo la xiriira isku-day lagu doonayey in 92 Soomaali looga soo masaafuriyo dalkaasi bishii December ee sannadkii hore.

Dhibanayaasha Soomalaida waxaa haatan lagu hayaa Xarumo dadka lagu hayo oo ku yaalla Koonfurta Gobalka Florida, iyadoo Maxkamad Federal ah doonayso in daaqada laga tuuro qorshihii lagu masaafurin lahaa dadkaasi.

Bishii December ee sannadkii hore, Hay’adda Socdaalka iyo Canshuuraha ee Maraykanka waxay 92-ka Soomaalida Diyaarad ka soo saartay Gobalka Louisiana si loogu soo celiyo Somalia, kadib, markii dadkaasi  loo jaray Amar lagu masaafurin lahaa, balse Diyaaradda waxay 20-daqiiqo ku hakatay  dalka Senigaal, ka hor intaan 92-ka qof ee Soomaalida dib loogu celinin Maraykanka, waxaana laga dejiyey Garoon ku yaalla magaalladda Miyaami ee Gobalka Florida.

Dhibanayaasha Soomaalida waxay buuxiyeen Dacwad ka dhan ah falalkii lagula kacay  intii ay Diyaaradda saarnaayeen, waxayna qaar ka mid ah sheegeen inay Ilaaladii la socotay Diyaaradda ay kula kaceen Jir-dil iyo cadaadisyo kale.

Professor  Steven Symes oo wax ka dhigay Jaamacad laga barto Cilmiga Daawada oo ku taalla magaalladda magaalladda Miami oo baaritaan ku sameeyey Dhibanayaasha Soomaalida ayaa sheegay in lagu xad-gudbay, isla markaana loo diiday Dawaeyn inta ay ku jiren Safarka.

Waxaa kale oo uu tilmaamay inay qaarkooda la xanuunsanayeen dhawaacyo kaga yaallay Gacmaha, Luqunta, Garabka, Dhabarka iyo Qoobka.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here