Home Wararka Maanta Dowlada Britain oo celineysa Qaxooti Somali ah oo sheegtay qabiilka ..

Dowlada Britain oo celineysa Qaxooti Somali ah oo sheegtay qabiilka ..

0

Xafiiska Arrimaha Gudaha ee dalka Britain ayaa ku gacan-sayray inay Soomaalida Baajuunka u aqoonsadaan magangelyo-doon.

Wargeyska Vice News ayaa qoray in dadka Baajuun-ta ee doonaya inay magangelyo ka helaan dalka Britain ay suurto-gal tahay inay wajahaan in loo masaafuriyo Kenya iyo Tanzania oo aysan wax Qoys ama xiriir ah ku lahayn.

Xafiiska Arrimaha Gudaha ee Britain ayaa diidan inay dadkaasi u aqoonsadaan Somali ahaantooda, sababo la xiriira Natiijadda Imtixaanka Luqadda Soomaaliga ee laga qaaday.

Wargeyska ayaa qoray in dadka Baajuun-ta ee ay la hadleen u sheegeen in Go’aanka Waaxda Arrimaha Dibedda Britain lagu saleeyeyey Wareysiyadii Luqadda ee lala yeeshay iyo iyagoo loo sheegay inay ku hadlaan Luqadda Sawaahliga ama tan Afkooda Hooyo ee Kibajuni.

Dhinaca kale, dadka Soomaalida ee Baajuunta ee ku nool dalalka Jarmalka, Holland iyo Jamhuuriyadda Ireland ayaa la sheegay inuu culays noocaasi ah soo wajahay.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here