Home Wararka Denmark Denmark Wasiirada Soo jeedisay in Muslimiinta Shaqada ka joogaan Xiliga Ramadaanka oo...

Denmark Wasiirada Soo jeedisay in Muslimiinta Shaqada ka joogaan Xiliga Ramadaanka oo la Cambaareeyay..

0

Wasiirka arrimaha socdaalka ee dalka Denmark ayaa si wayn loo cambaareeyay kaddib markii ay ku baaqday in Musliimiinta dalkeeda ay ka baaqsadaan shaqada xilliga bisha barakaysan ee Ramadhaan sababtuna waxay ku sheegtay in dad soomaan ay khatar u horseedi karaan bulshada.

Wasiirkan oo lagu magacaabo Inger Stojberg kuna caanbaxday siyaasada soo galooti diid ah ayaa sheegtay in shaqada oo maalinkii lagu soonaado ay dhibaatada u horseedi karta bulshada casriga ah.

Wasiirka ayaa sheegtay in dadka soomaan ee kaxaynaya baaburta dadweynaha iyo kuwa ka howlgalla isbitaallada ay dhibaatooyin u horseedi karaan bulshooyinka.

Balse shirkadaha dalkaasi waxay sheegeen inaysan wax dhibaata ah ku qabin Ramadaanka.

Waxay tusaale ahaan u soo qaadatay darawalada aan waxbo cunin maalinkii in ka badan 10 saacadood oo ay sheegtay in xaaladdaasi ay saamayn ku yeelan karta badqabka rakaabka.

Wasiirka socdaalka Denmark waxay tiri ” Waxaan ugu baaqaya Muslimiinta inay shaqada iska dhaafaan bisha Ramdhaan si looga fogaado waxyaabo saamayn ku yeelan kara nolosha dadka reer Denmark”

Shirkadda Arriva oo gacanta ku haysa baasas badan oo ka shaqeeya Denmark ayaa sheegtay inyasan wax shil ah gaysanin darawallada sooman ee baaburta kaxaynaya bisha Ramadhaan.

Shirakado kale oo ka howlgalla dalkaasina waxay sheegeen in wasiiradda ay isku dayayso inay abuurto xiisaad aanan jirin.

Ururka midowga Muslimiinta ee Denmark oo wasiirka ugu mahadceliyay walaaceeda ayaase xasuusiyay in Muslimiinta ay yihiin dad qaangaar ah oo garanaya waxa ay sameynayaan.

Nin ay isku xisbi yihiin wasiiradda oo lagu magacaabo Jacob Jensen ayaa soo jeediyay in siyaasiyiinta ay diiradda saaraan xallinta dhibaatada taagan intii ay ku mashquuli lahaayeen waxyaaba aan dad dhib ku haynin.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here