Home News in English Akhriso Labo Dhibaato oo Heesata Waalidka Doonaya in Caruurtooda Dalka keenaan..

Akhriso Labo Dhibaato oo Heesata Waalidka Doonaya in Caruurtooda Dalka keenaan..

0

Dalka Sweden ayaa sanadkii 2015 wixii ka danbeeyay waxa adkaatay keenista Caruurta kuwaasi oo waalidkooda sharci ka haleya dalka iyo sidoo kale dadka doonaya in ay u dacwoodaan qof ka maqan.

Labo Arimood ayaa sabab u ah in qofka uu keensan waayo Caruurtiisa taasi oo wali muuqata in uusan qofka awoodin.

Helista Shaqo iyo Guri aad ku qorantahay ayaa ugu muhiimsan sharuudaha in caruurtaada laguu keeno.

Arimaha ugu adag isla markana warbaahinta Somaliska ogatay ayaa ah in qofka uusan isku heli karin gudi iyo sidoo kale shaqo marka uu ku suganyahay caasimada.

Tusaale ahaan magaalooyinka yar yar ayaa ah kuwa qofka uu guri heli karo sida ugu fudud lakin waxaa halkaasi dhibaato ku ah helista shaqo.

Sidaasi si lamid ah qofka ku sugan Caasimada ayaa heli kara shaqo sanad ama ka badan lakin waxaa dhibaato ah helista guri madama safka guriga uu qaato 8 sano iyo ka badan.

iyadoo dhibaatadaasi ay taagantahay ayaa dadka badankooda waxay rajeynayaan in uu isbadal yimaado doorashada dhawaan dalka ka dhaceysa gaar ahaan bisha semtepber.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here