Home Wararka Maanta Magaalada Gotenborg Qof u geeriyooday toogasho loogu geestay Xaafada Guldheden..

Magaalada Gotenborg Qof u geeriyooday toogasho loogu geestay Xaafada Guldheden..

0

Magaalada Gotenborg ee Caasimada Labaad Dalka Sweden ayaa lagu toogtay Qof kaasi oo Rasaas lagu furay gaari uu watay.

Weerarka ayaa ka dhacay Nawaaxiga Guldheden halkaasi oo Qof wajiga soo xirtay uu rasaas ku furay Gaari goobta ku sugnaa.

Qofka weerarka loo geestay oo xiligaasi ku jiray gaarigiisa ayaa dhaawac ahaan ugu geeriyooday isbitaalka.

Qof ku sugnaa goobta uu falka ka dhacay ayaa joornalka Göteborgs Posten u sheegay sida. ” waxa uu ku riday ugu yaraan 8 xabo kadib gaariga ayuu ku laabtay wuuna baxsaday.

Booliska Sweden ayaa aaminsan in uu weerarka u dhaxeeyo kooxaha gaagiska dhexdooda kuwaasi oo dhoor jeer weeraro isku geesta.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here