Home Wararka Maanta Raisal Wasaaraha Sweden Stefan Löfen oo ka hadlay Xasuuqa ka Socda Qudus..

Raisal Wasaaraha Sweden Stefan Löfen oo ka hadlay Xasuuqa ka Socda Qudus..

0

Raisal wasaaraha Dalka Sweden Stefan Löfen ayaa ku biiray Madaxda Caalamka kuwaasi oo si adag uga hadlay Arinta ka socta Xadka u dhaxeeya Falastiin iyo israel.

Stefan Löfen ayaa sheegay in loo baahanyahay baaritaan madax banaan oo lagu sameeyo xasuuqa iyo dhibaatadii ka dhacday xadka israel iyo Gaza halkaasi oo lagu dilay ku dhawaad 60 qof.

Löfen ayaa intaasi ku daray in arintaasi ay dhibaato ku tahay hormarka caalamka isla markana muujineyso murugo.

Madaxda Germalka iyo UK ayaa dhankooda dalbatay in baaritaan lagu sameeyo dhibaatada ka dhacday shalay dhulka reer Falastiin.

Madaxweynaha Turkiga Erdogan ayaa safiirkiisa ka joogay israel ugu baaqay in uu halkaasi kasoo baxo isagoo safaarada albaabada iskugu dhuftay.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here