Home Wararka Maanta Canada oo hakisay Qorsho lagu celin lahaa Muwaadin Somaliya kasoo jeeda Asal...

Canada oo hakisay Qorsho lagu celin lahaa Muwaadin Somaliya kasoo jeeda Asal ahaan..

0

Irshaad Maxamed Axmed ayaa ka badbaaday qorshe lagu soo masaafurin lahaa, kadib, markii ay Dowladda Kanada ku fashilantay inay isaga siiyaan Nuqul ka mid ah Websyatka Dadweynaha ee lagu soo gudbiyey heerka ay marayso Kiiska isaga ka dhanka ah.

Irshaad Maxamed Axmed oo isaga Kanada tegay isagoo 7 jir ah sannadkii 1990-kii,  waxaa horey loogu soo oogay Falal-dembiyeed ay ka mid yihiin Tahriibinta Hubka, Daroogada iyo weerar hubeysan.

Eedeysanaha oo Muwaadinimadda Kanada qaatay sannadkii 1995-tii waxa uu dhowr jeer ka badbaaday in loo soo masaafuriyo Somalia.

Dowladda Kanada waxay ansixisay bilowgii sannadkii 2003-dii fursad lagu so omasaafurin lahaa, balse, Hay’adda Adeegga Xuduudaha ee dalkaasi.

Garsoore HENRY  S. BROWN oo ka tirsan Maxkamadda Federalka ee dalkaasi waxa uu isbuuci hore sheegay  in Digniintaasi ahayd mid uusan Eedeysanaha maqlin ama aan la ogeysiinin.

Dhinaca kale, Irshaad Maxamed Axmed waxa uu buuxiyey Qoraal Rafcaan ah oo uu u diray Maxkamadda Federalka, taasi o ouu uga soo horjeeday Khatarta qiimeynta Dowladda ee ay isaga ku masaafurin lahaayeen.

Irshaad Maxamed Axmed oo degaan ahaan ka soo jeeda magaalladda Muqdisho ayaa la joojiyey go’aanki ilagu soo masaafurin lahaa, kadib, markii ay Dowladda Kanada ku guul-daraysatay inay isaga u gudbiso Nuqulka Warbixinta isaga ka dhanka ah.

Go’aanka Dowladda Kanada ee ay ku sheegtay inuu Irshaad Maxamed Axmed khatar ku yahay ayaa weli taagan  Ammaanka, waxaana laga sugayaa inay soo saarto baaritaan cusub oo ku aadan Ammankiisa haddii dib loogu celiyo dalkiisa hooyo ee Somalia.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here