Home Wararka Maanta Sharciyo Cusub oo lagu kordhiyay imtixaanaadka iskuulada Sweden ee Dowlada..

Sharciyo Cusub oo lagu kordhiyay imtixaanaadka iskuulada Sweden ee Dowlada..

0

Dowlada Sweden gaar ahaan laanta iskuulada ee Skolverket ayaa soo kordhisay sharicyo cusub oo ku aadan imtixaanaadka qaranka ee la qaado.

Sharciyada cusub ayaa yimid kadib markii la qishay isla markana baraha bulshada lagu faafiyay qaar kamid ah imtixaanaadka la sameen lahaa.

Imtixaanka ayaa la qishay isla markana lagu baahiyay baraha bulshada dhoor jeer sanadkan waxana arintaasi keentay in la adkeeyo qeybo kamid ah imtixaanka.

Madaxda xaafiska iskuulada sweden Anders Boman ayaa shaacisay nuuca sharciyada cusub ee lagu soo kordhiyay iskuulada.

Sharciyada waxaa kamid ah.

1 Macalinka oo ogaanaya jawaabaha imtixaanka maalinta la sameenayo imtixaanka.

Caadiyan macalin iskuulka ayaa jawaabaha imtixaanka la siinjiray kahor inta uusan bilaaban imtixaanka lakin waxa uu hada ogaandoonaa maalinta iyo saacada u horeysa ee intixaanka la sameenayo.

2 Waqtiga ardayda imtixaanka bilaabayaan.

Ardayda ayaa horay imtixaanka u bilaabi jiray 9 kahor ama kadib lakin waxaa hada lasoo kordhiyay in aysan jirin wax ka horeeyay 9 subaxnimo waqtigaasi oo imtixaanka bilaabanayo.

3 Maamulada iskuulada.

inta oo kaliya kuma eka sidoo kale maamulada iskuulada ayaa laga dalbandoonaa adkeyn dheeraad ah oo la xiriirta imtixaanaadka la sameenayo iyadoo sidoo kale kormeer lagu sameendoono maamulada iskuulada.

Anders Boman ayaa ku fakareysa in loo baahanyahay adkeen dheeraad ah madama intaasi aysan ku filneyn.

Somaliska Stockholm

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here