Home Somaliska Finland Sawiro Dowlada Finland iyo Somaliya oo ka hadlaya Arimaha Qaxootiga doonaya in...

Sawiro Dowlada Finland iyo Somaliya oo ka hadlaya Arimaha Qaxootiga doonaya in la celiyo..

0

Wasiirka Amniga Qaranka ee Xukuumadda Federalka, Maxamed Abuukar Islow iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa booqasho rasmi ah ku jooga Caasimadda dalka Finland ee Helsinki.

Wasiir Islow waxa uu casuumaad ka helay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalkaasi , Kai Mykkänen, sida lagu soo daabacay Hadal qoraal oo lagu soo daabacay Websaytka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Finland, wuxuuna booqasho 2 cisho ah ku joogi doona dalkaasi.

Kulamada ay labada dhinac yeelanayaan waxay kaga xaajoon doonaan sidii ay isaga kaashan lahaayeen arrimaha dadka Soomaalida ee doonaya inay dib ugu soo laaabtaan dalkodoa Hooyo.

Wafdiga Wasiirka Amniga Qaranka ee Xukuumadda Federalka, Maxamed Abuukar Islow oo u uka mid yahay Agaasimaha Hay’adda socdaalka Somalia, Maxamed Aadan Jimcaale “Koofi” waxay u kuur-geli doonaan qaabka shaqo ee Ciiddanka Boliska, Ilaaladda Xuduudaha iyo Hay’adda Socdaalka ee dalka Finland.

Dowladda Finland ayaa sheegtay inay muhiim u tahay inay DFS iska kaashaadaan Qoddobka la xiriira Dib-u-celinta Qaxootiga Soomaalida iyo Iskaashiga ay labada dhinac ka waada faa’ideysan karaan.

Dhinaca kale, Dowladda Finland waxay taageero ka geystaan Deganaanshaha Somalia, Istaraatijiyadda Dib-u-habaynta Boliska, Hawlgalka Ciiddanka Badda Midogwa Europe ka wadaan Badda Somalia iyo Taageerida Xafiiska QM ee Taageeradda Somalai ee UNSOM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.