Home Wararka Maanta Canada oo bilaabeysa heshiis dib loogu celinayo Qaxootiga kasoo gala Xadka Mareykanka..

Canada oo bilaabeysa heshiis dib loogu celinayo Qaxootiga kasoo gala Xadka Mareykanka..

1

Dowalada Dalka Canada ayaa raadineysa Heshiis labo dhinac ah oo dowlada Mareykanka u ogolaanaya in dib loogu celiyo qaxootiga kasoo gudba dalkaasi ee gala dalka Canada.

Qorshaha Qaxootiga dib loogu celinayo waxaa keenay isla markana qorsheenaya Dalka Canada kadib markii sanadihii u danbeeyay ay dalkaasi gaareen qaxooti tiro badan.

bilowga isbuucaan wakaalada wararka ee Reuters ayaa qortay in xukuumada Ottawa ay dooneyso in la balaariyo heshiiska si dib loogu celiyo qaxooti badan oo dalkaasi kasoo galay dhanka xaduuda.

Sanadkii u danbeeyay kumanaan qaxooti kasoo tagay dhanka Mareykanka ayaa gaaray dhanka canada kuwaasi oo xiliga barafka kasoo gudbay dhanka xaduuda iyagoo kasoo dhex baxay tubooyin dhexmara labada dal.

dowlada ayaa isticmaaleysa sharciga STCA, kaasi oo dhigaya in qofka uu joogo wadanka koowaad ee uu iska dhiibo isagoo tagi karin wadan kale sida wadamada yurub oo kale.

Somaliska Stockholm

AD

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here