Home News in English In ka badan Sanad oo la sugayo Jawaabaha go.anka Laanta Socdaalka ee...

In ka badan Sanad oo la sugayo Jawaabaha go.anka Laanta Socdaalka ee Migrationsverket..

0

Saadaashi u danbeesay eey sameesay Hay.ada laanta Socdaalka Sweden ee Migrationsverket Go.anka Jawaabaha magangalyadoonka ayaa qaadanaya ku dhawaad 13 bilood oo u dhiganta Sanad iyo ka badan.

Sida Saadaasha ay sameesay Laanta socdaalka go.anka waqtiga dheer ayaa sabab u ah Shaqaalaha oo la dhimay.

Jawaabta uu helayo qofka maray Kiiskiisa ayaa wax yar ka dheeraandoonta waqtigii hore Madama la dhimay Shaqaalaha qaasatan kuwa qaabilsan dhanka magangalyadoonka.

Dhanka kale Sadaasha lagu sameeyay Qaxootiga dalka iska dhiibaya Sanadka danbe ayaa wali joogta saadaashii hore oo ah 23,000 ilaa 29,000.

Sanadkii 2015 ayay aheyd sanadkii ugu badnaa ee Qaxootiga ugu badan ay dalka iska dhiibaan markaasi oo la qaabilay 163,000 kun.

Heerka qaxootiga ee sanadkaasi ayaa hoos ugu dhacay tiro ahaan 29,000 kun iyadoo sanadki u danbeeyay uu gaaray 26,000 kun.

Xigasho/Aftonpladet

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here