Home Wararka Maanta Iceland Mahad Abiib oo loosoo Celinayo Dalka Norway..

Iceland Mahad Abiib oo loosoo Celinayo Dalka Norway..

1

Mahad Abiib Maxamuud oo dalka Norway tegay isagoo 14-jir ah sannadkii 2000 ayaa la filayaa in laga soo masaafuriyo dalka Iceland, iyadoo lagu soo celin doono dalka Norway.

Mahad Abiib Maxamuud waxay Dowladda Norway sannadkii hore kala laabteen Muwaadinimadda Norwich, kadib, markii ay Maamulayaasha sheegeen inay rumeysan yihiin inuu Mahad Abiib ka been sheegay inuu asal ahaan ka soo jeedo Somalia.

Mahad Abiib waxa uu sheegay inuu ka yimid Somalia, balse Hay’adda Socdaalka ee Norway ayaa ku doodayo inuu ka soo jeedo dalka Jabuuti.

Ninkaasi oo ka shaqeyn jirey Isbitaal ku yaalla magaalladda ULEVALI ee dalka Norway ayaa lumiyey Hawshiisa, kadibna waxa uu u safray dalka Kanada, balse waxa uu u sii gudbay daalka Aysland, si uu uga helo Mgaangelyo Qaxootinimopm laakiin Codsigiisa waa lagu gacan sayray.

Hadal ka soo baxay Hay’adda Rafcaanka ee Socdaalka Aysland ee magaalladda Dublin ayaa lagu sheegay in Sharciga Europe dhigayo in dalalka saxiixay Heshiiskaasi inay si khasab ah ku soo celiyaan Qaxootiga horey isaga dhiibay dal kale.

Hay’addu waaxay kaloo sheegtay in Kiiska Mahad Abiib Maxamuud  hor yaallaan Maxkamadaha dalka Norway, oo iyagu horey u taageeray Go’aanka Dowladda Norway ee lagu masaafurin lahaa.

Somaliska Oslo

AD

1 COMMENT

  1. Dublin goormay noqotay magaalo ku taal waddanka Iceland, caasimadda iceland sow ma ahayn Reykjavik, Dublin na caasimadda waddanka Ireland…..??????

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here