Home News in English Dowlada Sweden oo Lacag ku bixineysa Sanadkan Qaxootiga iyo Daryeelka..

Dowlada Sweden oo Lacag ku bixineysa Sanadkan Qaxootiga iyo Daryeelka..

0

Dowlada Sweden ayaa soo saartay ula jeedka lacagaha sanadkan iyo meelaha ay ku qarash gareeneyso.

Xisbiga hogaanka haya iyo Dowlada ayaa doonaya in sanadkan dowlada isticmaasho lacag dhan 2.5 billion taasi oo u isticmaalidoonta badankeeda dhanka daryeelka.

Sidoo kale Dowlada ayaa dooneysa in Qaxootiga kaligood socodka gaar ahaan dhalinyarada dalka imaanaya la siiyo guryo ay dagaan.

Wasiirka dhaqaalaha Sweden ( Magdalena Andersson ) ayaa sheegtay in Dhaqaalaha dowlada uu yahay mid wanaagsan waxay intaasi ku dartay in canshuurta dalka aan la kordhindoonin halka ay aaminsantahay in macaashka uu yahay mid aan saro u kacsaneen.

Waa kuwan Arimaah dowlada ay diirada saareyso Sanadkan.

1 lacag badan oo lagu bixinayo daryeelka dadka waayeelka.

2 in la wanaajiyo Qalabka Booliska iyo canshuur bixinta.

3 shaqooyin badan oo samarka ah.

4 guryo wanaagsan oo la siinayo dhalaanka qaxootiga ee dalka ku yimaada kalinimada.

5 lacag dheeraad ah oo loogu tala galay tamarta deegaanka.

Xisbiyada Socialdemokraterna iyo Miljöpartiet ee dowlada ku jira ayaa taageeray hindise sharci soo jeedinta xisbiga Vänsterpartiet.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here