Home Wararka Maanta Dowlada oo ku celisay sharciga Cusub ay ku joogayaan Qaxootiga Dhalinyarada...

Dowlada oo ku celisay sharciga Cusub ay ku joogayaan Qaxootiga Dhalinyarada ka timid Dalka..

0

Inkastoo Dalal ay ku jiraan Somaliya aan loo celin karin Dalkooda Xaalad amaan Hadana Dalalka qaar ayaa Laanta Socdaalka Waxay go.aamisay in Dalkooda loo celin karo.

Dhalinyarada kaligood socodka ee ka yimid Dalka Afganistan ayaa ku jira kuwa laanta socdaalka go.ankooda gaartay si dalkooda loogu celiyo.

Go.anka laanta socdaalka waxaa kasoo horjeeda dowlada oo dooneysa in dhalinyarada Dalkaasi ka timid loo ogolaado joogitaanka Dalka.

Bishii Janaury dhexdeeda Dowlada ayaa soo jeedisay in 9 kun oo dhalinyaro ah loo ogolaado Joogitaanka Dalka iyagoo lasiinayo fursado ay ku joogi karaan.

Soo jeedinta Dowlada ee sharciga cusub waxaa ka taagan dhibaato cusub madama Golaha sharci sharciga ay diideen sharciga Dowlada.

Sidoo kale Golaha sharciga ee dalka ayaa sheegaya in go.anka Dowlada uu yahay mid aan cadeed isla markana lagu wareerayo.

Iyadoo arinta Halkaasi taagantahay Hadana wali dowlada ayaa dooneysa in Sharciga uu dhaqangalo iyadoo Barlamaanka la marinayo dhamaadka Samarka ama Xagaaga.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here