Home News in English Akhriso Sharci Cusub oo kasoo baxay Migrationsverketka oo lagu Celin karo dhalinyarada...

Akhriso Sharci Cusub oo kasoo baxay Migrationsverketka oo lagu Celin karo dhalinyarada ka timid Dalka..

0

Maxkamada Sare ee Laanta socdaalka Dalka Sweden ee Migrationsverketka ayaa soo saartay go.an cusub kaasi oo dib loogu eegay Xaalada Dalka Afganistan ka taagan.

Go.anka ayaana ku aadan dhalinyarada 18 sano jirka buuxiyay kuwaasi oo horay loola dhaqmayay qaab Caruurnimo ah kuna heli jiray xaquuq lamid ah mida ay helaan caruurta.

Hay.ada laanta Socdaalka Sweden ayaa sheegtay in Qofka buuxiya Da.da 18 sano jirka isla markana kasoo jeeda Dalka Afganistan loola dhaqmayo sida Qof weyn oo kale.

Maxkamada ayaa sheegtay in Qofka buuxiyay 18 sano jirka loo celin karo dalkiisa xataa hadii uusan heysan difaacid dhanka bulshada ah lakin laanta socdaalka ayaa intaasi ku dartay in kiis kasta lagu qiimeyndoono xaalada uu ku jiro.

” Marka aad gaarto 18 sano jir waa in luula dhaqmaa sida qof weyn oo kale kadib mahelidoontid xaquuqda ay heleen caruurta inta uu socda kiiska magangalyo raadiska ”Jörgen Van Der Stad oo ka tirsan Makamada Sare ee laanta socdaalka ayaa sidaasi sheegay.

laanta socdaalka ma sheegin tiradada dadka uu saameynta ku yeelan karo sharcigan cusub ee gaartay Maxkamada sare ee Migrationsverketka.

Qaxootiga Somalida ayaa loola dhaqmaa sida qof weyn oo kale marka qofka uu buuxiyo dada 18 sano jirka waxana laga jaraa lacagta lagu siiyo caruurnimada iyadoo loo bilaabo lacag dhan 1800 kronor.

Sharciyo Cusub ayaa la filayaa in ay soo baxaan dhawaan kuwaasi oo la xiriira Qaxootiga Madama dhawaan dhaceyso Doorasho Cusub bisha Semtemper.

somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here