Home Wararka Maanta Västerås Qoys toogasho loo geestay guridooda xili ay ku sugnaayeen..

Västerås Qoys toogasho loo geestay guridooda xili ay ku sugnaayeen..

0

Sida ay ku waramayaan booliska magaalada Västerås waxaa toogasho loo geestay qoys ku sugnaa guridooda.

booliska magaalada Västerås ayaa hada bilaabay baaritaan la xiriira toogashada kadib markii guri ku yaala magaaladaasi xalay lagu furay rasaas.

dadka deegaanka oo maqlay rasaasta ayaa wacay booliska iyadoo booliska ay tageen goobta dhacdada ka dhacay.

qof ayaa rasaas ku furay albaabka guriga laga galo waxana uu ahaa qorsho lagu doonayay isku day dil.

marka falkaasi dhacayay waxaa guriga ku sugnaa afar qof oo ka kooban waalid iyo caruurtooda midkoodna rasaasta wax kuma noqon.

sida boliska sheegeen ilaa hada qofna looma qaban weerarka dhacay.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here