Home Wararka Maanta Booliska Norway oo raadinaya wiil Somali oo geestay toogasho..

Booliska Norway oo raadinaya wiil Somali oo geestay toogasho..

0

Booliska caasimadda Oslo ee dalka Norway ayaa toogasho ka dhacday talaadadii eynu soo dhaafnay xaafadda H¯olmlia u baadi-goobaya wiil soomaali ah kaas oo lagu magacaabo Asad Abdulle Aidaruus islamarkaana dhashay sannadkii 1997-dii.

Asad ayaa lugta uga toogtay bannaanka suuq senter ah oo ku yaal xaafaddaasi wiil da`aadiisa ah kaas oo ay is bar garanayeen.

Sida ay sheegtay Anne Solem oo ah haweeney boolis ah ayaa waxaa ay Asad ka baadi-goobeen dhow goobood oo ay ku tuhmayeen, balse ey ka waayeen, sidaas darteedna ay iminka ugu soo bandhigayaan warbaahinta magaca iyo muuqaalkiisa.

Booliska ayaa rumeysan in wiilkani ku dhuumaaleysanayo caasimadda Oslo iyo nawaaxigeeda, waxaana ay bulshada ka dalbanayaan in ey u fududeeyaan soo qabashadiisa hadii ay hayaan xog ku aadan halka uu ku sugan yahay ama ay ku arkaan.

Waxa ay ugu baaqeen bulshada in ay kala soo xiriiraan taleefan-numberada kala ah 22 66 99 66, ama telefon 22 66 90 50 hadii ay arkaan ama hayaan xog ku aadan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here