Home News in English Sweden Qaxooti ka baxsaday Xaruuntii lagu hayay oo qaarkood la qabtay..

Sweden Qaxooti ka baxsaday Xaruuntii lagu hayay oo qaarkood la qabtay..

0

Sida ay shaacisay laanta socdaalka Sweden ee Migrationsverket mid kamid ah xaruumaha qaxootiga waxaa ka baxsaday qaxooti lagu hayay.

Habeeninadii sabtida waxaa baxsaday 8 ruux oo ku jiray goob loogu tala galay qaxootiga kuwaasi oo boolista raadinayeen tan iyo markii ay baxsadeen.

Booliska ayaa qabtay 6 kamid ah 8 ruux ee baxsatay waxaana wali la helin 2 kamid ah sida uu sheegay Booliska magaalada Kållered.

Tan iyo jimcihii tirada Qaxootiga ka baxsaday goobta ayaa lagu sheegay 14 qof kuwaasi oo halkaasi ugu jiray in dalkooda lagu celiyo halka qaarkood ay hesteen diidmo.

Sanadkii u danbeeyay 23 ruux ayaa ka dhuuntay goobta ay ku jireen halka 30 kale ay baxsadeen sanadkii 2016 lakin sanadkii 2015 waxaa baxsaday 50 ruux

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here