Home Wararka Maanta Dowlada Norway oo xirtay Hooyo Somaliyed oo dhashay Shan Caruur Ah

Dowlada Norway oo xirtay Hooyo Somaliyed oo dhashay Shan Caruur Ah

0

Mid kamid ah Hooyooyinka Jaaliyadda Soomaalida ee dalka Norway ayaa lagu soo eedeeyay inay xiriir la leedahay Daacish,waxayna Booliska dalkaasi ay ka qabteen xilli ay ka dhoofeysay magaalada Oslo.

Haweeneydan Soomaaliyeed oo ah Hooyo dhashay 5-carruur ah ayaa Booliska Norway waxay sheegeen iney Taleefankeeda gacanta ay ka heleen ciwaanno iyo xog ku saabsan sida loo sameeyo Qaraxyada,sidoo kale,waxaa Taleefankeeda laga helay qoraalo ay isu direen nin Soomaali ah oo isna dhowaan ay Dowladda Ingiriiska ay ku xukuntay 8-sano oo xabsi ah.

Waxaan la ogeyn waqtiga rasmiga ah ee la maxkamadeyn doono Haweeneydan Soomaaliyeed oo lagu eedeeyay iney xiriir la leedahay  Daacish,macluumaad muujinayana laga helay,sida Booliska dalka Norwey ay u sheegeen warbaahinada ku yaal gudaha dalkaasi.

Booliska magaalada Oslo ayaa sheegay in Hooyadan dhashay 5-ta carruurta ah xilligii gacanta lagu dhigayay ay u safreysay dalk Suuriya halkaasi oo ay ku xoogan yihiin ALQaacidda iyo kooxda Daacish.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here