Home News in English Sharuudaha Laanta socdaalka ee Migrationsverket oo keentay in la diido Qoysas badan...

Sharuudaha Laanta socdaalka ee Migrationsverket oo keentay in la diido Qoysas badan oo Midoobi lahaa..

7

Tan iyo markii Hay.ada Laanta socdaalka Sweden ay dhaqan galisay Sharci adkeenaya in Qaxootiga Dalka jooaan ay la midoobaan Qoysaskooda waxaa saro u kacay dadka helay diidmada ku aadan Codsiyadooda.

Ilaa 900 Codsi ayaa lagu sheegay kuwa helay diidmada ku aadan  in Familkooda loo keeno Sida Xaaskooda iyo Caruurtooda waxana horay diidmo u helay 100 Codsi waana kahor sanadkii 2015 markaasi oo sharciyada cusub dhaqan galin  .

Sanadkii 2016 bishii July ayuu ahaa markii uu dhaqan galay sharciga adkeenaya in Qofka uj keeno Qoyskiisa iyadoo arintaasi lagu Xiray Sharuudo adag.

Sharuudaha xiligaasi dhaqan galay waxaa kamid ahaa In qofka loo keenayo qoyskiisa uu heesto Daqli ku filan sida in uu shaqeeyo sidoo kale in uu heesto guri ama uu ka yahay gacal labaad.

Heerka dadka loo diiday Codsiyadooda ku aadan keenista Faamiladooda ayaa markii hore aheyd 29 boqolkiiba halka maanta uu marayo 41 waxana loo sababeeyay Sharuudaha oo la adkeeyay.

Hajar oo kasoo jeeda dalka ciraaq waxa kuu suganyahay Dalkasa Sweden isagoo shaqeeya hase yeeshee wali looma keenin Xaaskiisa oo wali ka maqan.

Bisha Semtemper waxaa dalka ka dhicidoonta doorasho cusub taasi oo la filayo in isbadal cusub ay soo kordhaan.

Sharcigan Saameyn makugu yeeshay.

Somaliska Stockholm

AD

7 COMMENTS

  1. W

    Waa sharci ad u dhibadana aniga anoo shaqaya gurina haysa ba diiidmo la isiiyaay aqoonsi mahaysto la idhahahay adaab uga xumahay inti dhiig ilamahayga lacag qaday in la idiiido xaskayga
    Waxaan ad uga xumahay hadaan somalia nahaya way an loga dacwooonay aqooonsigaaa

  2. haa saameen wuu igu yeeshay kasoo bilaaw 2012 ilaa iyo hada ayaa dacwo daba ordayaa dadkii lawada sano lagu xiray ayaan kamid ahaa xitaa ilmo waan isku dhalnay xaaskeeyga welina leeyma keenin…

  3. walahi wa ayan daro 900oo qoys o an aniga jamison abay waxa nagaland heats waa aqonsi iyo 2sano ma iska noleden waxan dhihilaha somalia’s ay dhibkan heysato miyey awodi wayen in ay kacan o mudaharadyo an kala jogsilahen sameyaan

  4. Dadki labada sano laguxiray rajadina way ficantahay nafta kheyr ushega waxan wa nasib aniga waxan arkay qof labasano laguxiray hadana lokenay rerkisa sanadkan wadankan.dorasho aya jirta sharcigana wa isbadalaya aniga waxan arkay wil ila 2012 nagativ lagu wareriyay aya 2018 lasiyay ogalsho rerkisa wax walbana wa nasib

  5. Ilahay agtiiisa rajadena kama xuuma lakin niyadiba iga jabtaay aniga wayoooo xita jaliiiid somalia ooo noo dodaysa mahaysaaano
    Mida kale waxay migrationka idka wadaan wa ciyaaar somalia leee arinta qusaysaaaa

  6. Ilaahay haynoo fudaydiyo aniga caruurba iga maqan waxay igu yiraahden dhiga sug waan ka qaadayna walina waan sugaya alle dhibkan haynaga qaado aamiin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here