Home Wararka Maanta Xisbiga Socialdemokraterna oo doonaya in iskuulada laga Joojiyo Diimaha isla markana noqdan...

Xisbiga Socialdemokraterna oo doonaya in iskuulada laga Joojiyo Diimaha isla markana noqdan kuwa Madax-banaan ..

0

Sida ay sheegeen Saaka Xisbiga Socialdemokraterna ayaa doonayaan in la joojiyo iskuulada ku tiirsan Diimaha isla markana guud ahaan iskuulada laga dhigo kuwa ka madax-banaan Diimaha kala duwan.

Wasiirka Rayidka iyo Wasiirka Dugsiyada sare iyo aqoon kororsiga Ardelan Shekarabi iyo Anna Ekström oo qabtay shir jaraa.id ayaa soo bandhigay hindisaha dhigaya in la joojiyo iskuulada ku tiirsan diimaha.

Sababta ayey ku sheegeen in ay jiraan bulsho badan oo reer sweden ah kuwaasi oo haysan wax isdhexgal ah tusaalle ajaanibta iyo Swedhiska oo wax xiriira ah ka dhaxeen.

Shirka ja.raaid ayaa lagu sheegay in bulshada dhexdeeda uu ka jiro midab kala sooc taasi oo sabab u ah iskuulada lagu saleeyay diimaha.

Anna Ekström ayaa intaasi ku dartay in muhiim tahay in diinta iyo waxbarashada kala saaro caruurtana la siiyo fakar ay wax ku abuuri karaan.

Xisbiga Socialdemokraterna ayaa waqti hore soo bandhigay in lakala saaro diimaha iyo waxbarashada shirweyne ay yeesheen lakin hada ayay rabaan in ay ku galaan doorashada sanadkan dhaceysa.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here