Home Wararka Maanta War Deg Deg Ah Labo qof oo lagu toogtay Caasimada labaad ee...

War Deg Deg Ah Labo qof oo lagu toogtay Caasimada labaad ee Göteborg..

0

Wararka laga helayo dhanka magaalada Göteborg ayaa sheegaya in caawa halkaasi ay ka dhacday toogasho loo geestay labo qof oo ku sugnaa magaaladaasi.

toogashda ayaa ka dhacday Nawaaxiga Linnaeus halkaasi oo laga maqlay toogashada sida ay sheegeen booliska magaalada Göteborg.

Weerarka ayaa dhacay caawa oo Arbaco ah kadib markii aaga Linnaeus laga maqlay toogasho booliska oo halkaasi gaaray ayaana ka qaaday labo qof oo dhaawac ah kuwaasi oo la dhigay isbitaalka magaalada Göteborg.

” waa halis waxaan isku dayidoonaa in aan helno dambiga la xiriira dhacdadan waxana ku suganahay nawaaxiga Linné ”sidaasi waxaa sheegay Tommy Nyman oo ah madaxda afayeenka booliska ee Deegaankaasi.

booliska ayaa bilaabay baaritaan la xiriira weerarka hase yeeshee majirto ilaa hada dad loo qabtay falkaasi.

Magaalada Göteborg ayaa kamid ah goobaha ay ka dhacaan weerarada la xiriira kooxaha gaangiska kuwaasi oo isku laaya kooxo kooxo.

Somaliska Göteborg

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here