Home Wararka Maanta Sweden yaa hogaaminaya Xisbiyada tartamaya Doorashada Sanadkan dhaceysa..

Sweden yaa hogaaminaya Xisbiyada tartamaya Doorashada Sanadkan dhaceysa..

0

Meel waanagsan ayay mareysa doorashada la filayo in sanadkan dhamaadkiisa ka dhacdo Dalka Sweden kuwaasi oo xisbiyada qaarkood ay hogaanka u hayaan dhanka doorashada iyo saadaalinta la sameeyay.

ilaa hada waxaa hoos u dhacay xisbiga Moderaterna kuwaasi oo sadaalinta la sameeyay ay muujineyso in uu hoos ugu dhacay ilaa 1.1% lakin madaxa istaraatijiyda ee xisbigaasi Per Nilsson ayaa ku waramaya in wali awood u harsantahay.

Dhanka kale xisbiga Centerpartiet ayaa kor u soo kacay halka uu markii hore joogay waxana sabab u aheyd xisbigaasi oo awoodiisa iskugu geeyay dhanka caafimaadka saadaalinta la sameeyay ayuu saro ugu kacay 1%.

Xisbiga Sverigedemokraterna ee cunsuriga ayaa jooga halkiisa hore waxana uu ku jiraa kaalinta 3 aad taasi oo muujineysa in uu awood ahaan saro u kacay sanadihii u danbeeyay,

Xisbiga Moderaterna ayaa ku jira kaalinta 2 aad hase yeeshee waxa uu hoos uga dhacay halkii uu marka hore joogay.

ugu danbeyn Xisbiga talada dalka haya xiligan ee Socialdemokraterna  ayaa kaalinta 1 aad waxa uu uga jiraa dhanka doorashada marka la fiirsho saadaalinta ay sameesay shirkada sifo.

Warbaahinta Somaliska ayaa soo koobeysa qaabka loo kala horeeyo.

1 Socialdemokraterna  28,2%,

2 Moderaterna 23,1%

3 Sverigedemokraterna 16,4%.

4 Centerpatiet 9,8%

5 Vänsterpartiet  7,9%.

6 Liberalerna 4,9%

7 Miljöpartiet 4.1%

8 Kristdemokraterna (KD)  2,8%

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here