Home Wararka Maanta Sweden Tirada dadka u dhintay rabshadaha Awgeed oo korortay Sanadkii 2017..

Sweden Tirada dadka u dhintay rabshadaha Awgeed oo korortay Sanadkii 2017..

0

Hay.ada ka hortaga Dambiyada dalka Sweden ee Brå ayaa soo saartay  tirakoobka ay ku sameesay dadka dhintay sanadkii 2017 ee aan kasoo gudubnay.

Tirada dadka dhintay ayaa lagu sheegay kuwii ugu badnaa Dalka tan iyo sanadkii 2002 markaasi oo la bilaabay.

ilaa 113 qof ayaa dhimatay sanadkii lasoo dhaafay kuwaasi oo iskugu jira dad u dhintay siyaabo kala duwan sida warbixinta sheegeyso.

Tirada dadka dhintay ayaana ka badan tii sanadkii 2016 markaasi oo dadka dhintay ay gareen 112 waana markii ugu badneyn.

isla warbixinta ayaa lagu sheegay kiisaska dhacay 27 kamid ah ay noqdeen kiisas la xiriira dumar halka 86 kiis ay ahaayeen rag.

Kiisaska dhacay sanadkii 2016 ee ku aadan dadka la toogtay ayaa ahaa 30 kiis halka sanadkii aan soo dhaafnay ee 2017 ay gaareen ilaa 40 kiis dadka la toogay.

Caasimada Stockholm ayaa noqotay magaalooyinka waaweyn ee saro u kacay dhanka rabshadaha ku aadan dilalka marka loo eego kuwa kale.

Somaliska Stockolm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here