Home Wararka Maanta Sweden oo Sharciga siineysa Caruurta Kaligee Socodka ee Dalka soo gaaray Sanadka..

Sweden oo Sharciga siineysa Caruurta Kaligee Socodka ee Dalka soo gaaray Sanadka..

0

Dowlada Sweden ayaa dooneysa in hoos loo dhigo sharuudaha lagu xiray caruurta kaligii socodka kuwaasi oo dalka sweden u joogo qaab magangaldoon ah hadii qorshahaasi uu dhaqan galo waxaa sharciga heli kara caruurta kaligii socodka.

Qorshaha dowlada ayaa ku aadan in la helo ku dhawaad 9,000 kun oo arday kuwaasi oo warbaraneysa.

Fursadaha ugu badan ayaa lasiinayaa dhalaanka dalka iska dhiigay sanadkii 2015 kuwaasi oo heli kara fursad ay kusii joogaan dalka iyagoo helaya sharciga ku meel gaark ah.

Dowlada ayaana sheegtay in Sharciga la siinayo oo kaliya kuwa gaaray heerka waxbarashada iskuulka sare ee (gymnasiet.).

Qeybta Laanta Socdaalka ee Migrationsverket oo ka jawaabtay arinkasi ayaa sheegaysa in arinta ay ka walaacsantahay madama ay adkaan karto in la gaaro.

Migrationsverket ayaa intaasi ku daray in arinta hada taagan ay tahay go.anka maxkamada taasi oo oroneysa waa in uu qofka heesta cadeyn lagu tixgaliyo si loo siiyo sharciga ku meelgaarka.

Tusaale hadii aan hoos loo dhigin cadeemaha muujinaya qofka waxaa hoos tageysa tirada dowlada ay dooneyso in dalka joogaan kuwaasi oo noqon karo kala bar 9,000. kun.

Qorshaha dowlada ayaa dhaqan gali kara 1 bisha July hadii la ansixiyo go.ankasi waxana uu la xiriira dadka is dhiigay 24 bishii november sanadkii 2015 kuwaasi oo waqti dheer sugayay kiiskooda kadibna qaan gaaray iyagoo marka ay qaan gaareen la siiyay diidmo.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here