Home Wararka Maanta Socialdemokraterna Mobileda oo laga Mamnuucayo Schoolada Waxbarashada Qaarkood..

Socialdemokraterna Mobileda oo laga Mamnuucayo Schoolada Waxbarashada Qaarkood..

0

Xisbiga Socialdemokraterna ayaa doonaya in iskuulada Qaarkood ee Dalka Sweden laga Mamnuuco isticmaalka Taleefanada.

Wasiirka Dhaqaalaha Magdalena Andersson iyo Wasiirka Tacliinta Sare iyo Waxbarashada Anna Ekström ayaa kasoo horjeeda mamnuucida taleefanka iyagoo u arka muhiimad inta lagu guda jiro waxbarashada.

xisbiga ayaa doonaya in Mobilada laga mamnuuco iskuulada dhexe madama ardayda ku mashquulaan Daawashada mobileka xiliga cashir bixinta.

Wasiirada ayaana ku doodaya in Caruur badan familkooda kala soo xiriiraan xiliga ay ku jiraan waxbarashada taasi oo adkaaneysa hadii taleefanada laga mamnuuco.

Socialdemokraterna oo kaliya maahan xisbiga doonaya mamnuucida Taleefanka waxaa sidoo kale taageersan Liberalerna kaasi oo doonaya in guud ahaan la mamnuuco.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here