Home Wararka Maanta Qofka gurigiisa ku kireeyo lacag badan oo dib looga ceshanayo ( Sharci...

Qofka gurigiisa ku kireeyo lacag badan oo dib looga ceshanayo ( Sharci soo jeedin )

0

iyadoo dowlada sweden ay sameesay baaritaan ku aadan qaabka guryaha loo kireesto isla markana loo daganyahay ayay soo jeedisay hindisa ama sharci cusub kaasi oo ku aadan dadka markaasi kireesta guryaha,

Cadiyan waxaa guryaha kireeya shirkado waa weyn kuwaasi oo saf dheer loo galo qayaas ahaan 8 sano ama ka yar waxana dadka qaarkood guryahooda ku wareejiyeen dad kale qaab gacan labaad ah,

Gudoomiyaha ururka guryaha kireesta (Hyresgästföreningen) Marie Linder oo arinkaasi ka jawaabay ayaa sheegay in ay tahay ciqaab adag lakin waxa uu sheegay in qofka la siiyo jaanis uu ku sameen karo saxitaan.

Sharcigan ay soo jeedisay dowlada ayaa dhigaya in laganaaxo qofka lagu qabto in uu gurigiisa ku kireeyay lacag ka badan mida uu ku daganyahay ama lagu helo kiro sharci daro ah,

Sharciga oo ah sharci dowlada soo jeedisay ayaa ula jeedkiisa waxa uu yimid deertii lasoo dhaafay markaasi oo dowlada ay sameesay baaritaan ku aadan arinkaasi.

Sharcigan ama hinsihan cusub ay dowlada soo jeedisay ayaa u dhigan sidan.

1 in la ganaaxo qofka gurigiisa ka kireeya qof kale lacag ka badan mida uu isaga ku kirestay.

2 in la ganaaxo Qofka lagu helo kiro sharci daro ah.

3 in la joojiyo guud ahaan heshiiska ama ( hyreskontrakt ) ee uu shirkada kula jiro taasi oo ka dhigan uu waynayo gurigiisa,

ugu danbeyn dowlada sweden ayaa dooneysa in go.anka uu noqdo mid la dhaqan galiyo bilowga bisha January ee sanadka 2019 waxana uu saameyn ku yeelan karaa dadka ajaanibta oo badankooda isticmaala guryaha gacan labaadka ama kirooyinka caadiga,

Somaliska Stockholm

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here