Home Wararka Maanta Qaabkee ugu fudud ayaa ku baran karaa Luuqada Swedhishka ( Sverige Språk...

Qaabkee ugu fudud ayaa ku baran karaa Luuqada Swedhishka ( Sverige Språk )

0

Luuqada Swedhishka waa mid kamid ah Waxyaabaha ugu muhiimsan ee ku dhisan nolosha qofka aadanaha marka uu joogo gudaha Dalka Swedhan.

Qofka hela Sharciga waxaa qasab ku ah in uu dhameeyo luuqada si uu wadanka u dhexgalo sida waxbarashada ama helitaanka shaqo.

Dadka ku nool wadanka ayaana helista sharciga kadib ku kala hara heerka waxbarashada dalka iyadoo dadka qaarkii ay dhameeyaan luuqada halka kuwa kale ay ku dhibaatoodaan dhameestirka luuqada.

Warbaahinta somaliska Ayaana soo koobeysa qaababka ugu fudud ee uu qofka ku dhameen karo luuqada.

Dadka waaweyn ayaa loogu tala galay iskuulka SFI ee  ( Svenska för invandrare ) madama aysan waqtigooda ku filneen in ay bartaan iskuulka caadiga waxana qofkaasi qasab ku ah in uu dhameeyo D Nivå ama heerka D si uu ugu gudbo qeybta kale.

Sidee ku baran karaa Luuqada Swedhiska.

1 Akhrinta Buugaagta xili kasta oo aad fursad heyso ugu yaraan labo qeybood.

2 Turjumaada erayada ku jira Buuga aad akhrineysa tani waa mida ugu muhiimsan sababtoo ah erayga aad fasirto kuna celiso hadii uu qof ku hadlo dhaqso ayaa ku xasuusaneysa.

3 Aaditaanka goobaha lagu sameeyo ku hadalka luuqada Swedhishka ee ( Språkkaffe ) tani waa mida kamida kuwa ugu muhiimsan eeysan dadka sameyn xiliga luuqada barashada hadii aad joogteyso aadista barnaamijkan mudo kooban waxaa bilaabeysa ku hadalka luuqada.

Goobaha laga helo Språkkaffe waxaa kamid ah Biblioteket ama halka lagu akhriso buugaagta isla markana leesku caawiyo.

Hadii aad u baahantahay in aad ogaato waqtiga la sameeyo Waxaa ku dhufan kartaa Qeybta hoose kaliya waa Stockholm.

Riix Halkankan si aad waqtiga u hesho

Hadii aad ku suganyahay Magaalo kale waxaa booqan kartaa Goobta kuugu dhow ee lagu Akhristo Buugaagta.

Waqti kooban ayaa ku baran kartaa luuqada kaliya waxay ku xirantahay go.ankaada iyo dadaalkaaga Qaababka kale waxaa kamid ah.

4 Daawashadda Muuqalada swedhishka Sida barnaamijyada iyo kuwa caruurta si fudud ayaa ku baran kartaa luuqada.

Dhawaan waxaan bilaabidoono Muuqaalo cajiib ah oo kuu sahli kara in aad dhaqso ku barato luuqada.

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here