Home Wararka Maanta Migrationsverket oo dib u dhigtay in la Xiro Guryaha loogu tala galay...

Migrationsverket oo dib u dhigtay in la Xiro Guryaha loogu tala galay Dadka Qaxootiga..

0

Hay.ada laanta Socdaalka Sweden ee Migrationsverket ayaa dib u dhigtay Qorsho lagu joojin lahaa guryaha la dajiyo Qaxootiga dalka iska dhiiba.

Go.anka laanta Socdaalka ayaa yimid kadib markii uu hoos u dhacday tirada Qaxootiga Dalka iska dhiibay.

Warbixinta u danbeesay ee Hay.ada alaanta Socdaalka ayaa sheegeysa in qayaasta Qaxootiga Dalka Soogaraya ay hoos ugu dhicidoonaan 76,000 ilaa 48,000 tan iyo dhamaadka sanadkan.

Arimaha kale ee loo sababeenayo waxaa kamid ah Qorshaha dowlada Sweden ee sharciga lagu siinayo dhalaanka kaligii socodka kuwaasi oo gaaray waxbarashada heerka sare.

16 kamid ah 24 guri oo ah Nuuca Qaxootiga la dajiyo ayaa dib loo dhigay in la xiro inkastoo Qaxootiga badankooda ay ka baxeen Xaruumaha Qaarkood.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here