Home Wararka Maanta Malmö Turjumaan Turki ah oo qaab siyaasadeesan u turjumay wareysi lala yeeshay...

Malmö Turjumaan Turki ah oo qaab siyaasadeesan u turjumay wareysi lala yeeshay Qof magangalyodoon ah..

0

Qeybta Migrationsverket ee magaalada Malmö waxaa ka dhacday arin ku aadan wareysi loo turjumay qaab siyaasadeesan kadib markii qofka turjumaanka ahaa uu qalad ku sameeyay qofka loo turjumayay.

Arintaasi ayaa waxay qabsatay Ali oo macalin skuul ka ahaa Dalka Turkiga kaasi oo kasoo cararey dalkaasi kadib markii lagu eedeeyay in uu kamid ahaa ururka Gulen oo dalkaasi laga mamnuucay.

Ali oo wareysiga laga qaaday ayaa waxa uu sheegay sababta uu isku dhiibay isagoo sharaxay in uu qeyb ka ahaa ururka Gulen isla markana uu u soo cararey in xabsi la dhigo.

Qofka turjumaanka ahaa ayaana dhoor jeer qariyay magaca Gulen isagoo ku badaley arimo kale.

kadib markii dib loo dhageestay wareysiga ayaa la ogaaday in Qaabka turjumaanka la qalday iyadoo meesha laga saaray wareysigaasi

Qeybta Socdaalka Sweden ayaa arintaasi uga digtay dad badan oo ka shaqeeya qeybta Migrationsverket.

warbixin dhawaan lasoo saaray ayaa lagu sheegay in badi dadka kasoo cararey dalka Turkiga ay diidmo ka heleen Sweden.

Somaliska Stokcholm

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here