Home Wararka Maanta Faafaahin laga helayo labada qof ee lagu toogtay magaalada Göteborg..

Faafaahin laga helayo labada qof ee lagu toogtay magaalada Göteborg..

0

iyadoo magaalada Göteborg lagu toogtay labo qof ayaa wararka laga helay booliska waxay sheegayaan in labadaasi qof laga siidaayay dhanka isbitaalka.

Sida ay sheegayaan booliska Magaalada Göteborg waxaa la siidaayay labadii qof ee lagu toogtay nawaaxiga ama wadada Linnégatan ee magaaladaasi kadib booliska ay xaqiijiyeen in wax xiriir ah aysan la laheen kooxaha gaangiska.

” Midkoodna kuma dhicin qaab kooxaha gaangiska taasi oo marka hore aan ku qeexeenay” waxaa sidaasi sheegay madaxa booliska ee dhanka baaritaanka Annika Johansson.

labada qof ee la toogtay ayaa ka yimid dhanka Deegaanka krans waxana ay ku socdeen Magaalada Göteborg waxana toogashada ay dhacday xili ay ku sugnaayeen goob samaa faro ah ama calaamada gaariga istaajisa ee (rödljus ) oo u dhow Linnégatan.

Booliska ayaana sheegay in baaritaan ku wadaan waxa markaasi goobta ka dhacay iyadoo la waydiinayo labada qof.

Somaliska Göteborg

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here