Home Wararka Maanta Dadka waayeelka qaarkood oo loo kordhinayo lacagta ay qaataan,,

Dadka waayeelka qaarkood oo loo kordhinayo lacagta ay qaataan,,

0

baaritaan ay sameeyeen Kooxaha dhanka Waayeelka dalka sweden ayaa lagu soo bandhigay baahiyo gooni ah ay u baahanyihiin dadka waayeelka ee shaqo gabka ah kuwaasi oo hela lacagta waayeelnimo.

arintaasi ayaana ula jeedkeeda waxa uu yahay sidii lacagta ay qaataan saro loogu qaadi lahaa dadka hawlgabka ah gaar ahaan kuwa aadka u liita.

ku dhawaad 1300 kun oo kronor ayaa saro loogu qaadidoonaa iyadoo laga caawindoono guryaha ay daganyihiin iyo waxyaabo kale oo muhiim u ah,

qofka nolol ahaan hooseeya marka ay timaado dadka waayeelka ayaa loogu tala galay lacagtiisa guriga ee kirada in la gaarsiiyo 5 600 ilaa 7000 SEK.

Annika Strandhäll ayaa sheegtay in kooxaha dhanka waayeelka ay isku raaceen Caawinta iyo kororka lacagta kuwa markaasi u baahan in la caawiyo.

dhanka kale Annika Strandhäll ayaa sheegtay in qorshahaasi lagu dhawaaqidoono hadii uusan imaan carqaladeen ama cambaareyn waxana la filayaa in uu hirgalo bartamaha sanadka 2019.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here