Home News in English Akhriso ulajeedka Sharciga Cusub ee la xiriira Qaxootiga guryaha la siinayo..

Akhriso ulajeedka Sharciga Cusub ee la xiriira Qaxootiga guryaha la siinayo..

0

Sida shalay aan ku baahinay Somaliska Waxaa jira sharci cusub kaasi oo ula jeedkiisa uu yahay dib u dajinta loo sameenayo qofka lasiiyay sharciga Dalka Sweden ee u baahan guri uu dago.

Sharcigan cusub oo uu soo dhaweeyay Maamulka Magaalada Malmö ayaa la xiriira qaabka qofka iyo familada u dooranayaan guryaha ay dagilahaayeen,

tusaale ahaan dadka helay sharciga ayaa u baahan in ay dagaan magaalooyin ay daganyihiin qaraabadooda iyagoo dooranaya magaalada ay rabaan waxana taasi ka dhashay dhibaato xoogan.

Dhibatooyinka ka dhashay waxaa kamid ah dadka oo waqti dheer sugaya guryaha ay dagayaan halka qaarkood lacag badan ku baxsheen guryo yar yar iyo waliba goobo halis u ah naftooda.

Sharciga cusub ayaana la xiriira in qaxootiga aan loo ogolaan in ay doortaan goobta ay rabaan laanta qaxootiga ee Migrationsverket ayaana dhihidoonta maya qofka raba arintaasi.

somaliska Stokcholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here