Home Wararka Norway Götenborg Nin iska dhigaya dhaqtar oo Haween badan Lacag ka dhacay..

Götenborg Nin iska dhigaya dhaqtar oo Haween badan Lacag ka dhacay..

0
Doctor in front of a bright background

Magaalada Götenborg nin 46 sano jir ah oo iska dhigaya dhaqtar ayaa qaab farsameesan waxana uu lacag kaga qaatay dumar badan.

Ninkaan ayaa haweeney duq ah waxa uu ku amray iibsashada dawo qaali ah waxana ay iibsatay daawada lakin ma aheyn wax run ah dawadaasi.

Booliska Caasimada Götenborg ayaa aaminsan in ninkaasi uu dhacay ilaa 500 oo haweyn ah kuwaasi uu ka qaatay lacag badan.

Booliska ayaa xiray ninkaasi goor hore waxa hada lasoo taagay Maxkamad iyadoo lagu eedeeyay in uu qayaano ku sameeyay 27 dumar ah sida kiiska ku cad.

Maxkamada ku taala Magaalada Götenborg ayaa ninkaasi ku xukuntay 6 sano iyo 11 bilood oo xarig ah hase yeeshee ninkaasi oo hadlay waxa uu sheegay in uu yahay dhibane isla markana racfaan ka qaadanayo go.anka.

Maahan falkii ugu horeeyay ee layaab ku noqda bulshada waxaa horay u dhacay kiisas badan oo lamida midkaan.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here