Home Wararka Maanta Sweden iyo 17 Dal oo kale oo eryay Dublamaasiyiin Ruush Ah..

Sweden iyo 17 Dal oo kale oo eryay Dublamaasiyiin Ruush Ah..

0

Dowladaha Maraykanka, Canada, Ukraine iyo afar iyo toban dal oo ka tirsan Midowga Yurub ayaa si wada jir ah ugu dhawaaqay inay dalalkooda ka eryayaan boqolaal dublomaasi oo Ruush ah.

Go’aankan ayey sabab uga dhigeen weerarkii sunta habdhiska dareen wadka disha loo adeegsaday ee ka dhacay Ingiriiska kaasoo la doonayey in lagu qaarajiyo nin ka tirsanaa sirdoonka ruushka ah oo baxsad ahaa.

Madaxweyne Trump ayaa amar ku bixiyey in lixdan ka tirsan shaqaalaha safaraadda Ruushka oo lagu eedeeyey basaasnimo dalka laga saaro. Ukraine iyadna waxay eryaysaa saddex iyo toban, halka dhawr dal oo kale oo ay ku jiraan Faransiiska iyo Jarmalku ay iyaguna midkiiba  uu afar diblamaasi eryay.

Wasiirka arimaha dibadda Jarmalka, Heiko Maas, ayaa sheegay in Ruushku aanu weli jawaab ka bixinin sababta sun la sameeye xilligii Soofiyeetka loogu adeegsaday weerarka lagu qaaday basaas hore oo la yidhaa Sergei Skripal iyo inantiisa oo haatan aad u il daran.

Madaxa golaha hogaanka Midowga Yurub, Donald Tusk, ayaa markii uu shaacinayey eriga dublamaasiyiinta waxa uu sheegay in dhici karto in diblomaasiyiin kalena la eryo.

Ruushka ayaa tallaabada dalalkaasi ku eryeen dublamaasiyiintiisa ku sheegay in ay tahay mid daandaansi dagaal waxaanu wacad ku maray in uu ka fal celin doono.

Afhayeenka Aqalka Kremlin-ka Dmitry Peskov, ayaa sheegay in go’aanka kama dambaysta ah Madaxweyne Vladimir Putin gaadhi doono.

Mar sii horraysay ayaa danjiraha Ruushka u fadhiya Maraykanka, Anatoly Antonov, waxa uu sheegay in Maraykanku burburinayo intii yarayd ee ka sii jirtay xidhiidhka Ruushka iyo Maraykanka.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here